U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan magaalada Newyork

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa toddobaadkan magaalada Newyork kaga qeyb-gali doona Kal-fadhiga heerka sare ee madaxda caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku saabsan in si wadajir ah caalamku uga wada-shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.