U bood dhigaalka

Ugu yaraan 77 qof oo lagu diley weerar ka dhacay caasimadda dalka Mali ee Bamako

Sheeko:War

Ugu yaraan 77 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda Mali ee Bamako, sida ay wakaaladda wararka ee AFP ka soo xigatay ilo xog ogoal ah oo ku sugan gudaha dalkaas.

Ku dhawaad ​​200 oo kale ayaa ku dhaawacantay weerarkan oo dhacay dabayaaqada todobaadkii hore , waxaana uu sababay in isbitaallada ay buux dhaafiyaan bukaanno dhaawac ah, sida uu wakaaladda wararka u sheegay diblomaasi codsaday inaan magaciisa la sheegin.

si kastaba ha ahaatee, dadka deegaanka ayaa soo sheegay in rasaas iyo qaraxyo ay dhaceen, waxaa kale oo jiray qiiq ka dhashay dab qabsaday dhismayaashii meesha ka dhowaa.

Masuuliyiinta dalka Mali ayaa sheegay in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen dugsi tababar oo ciidamada booliska ee sida military-ga u laylyan lagu carbiyo, kaas oo ku yaalla degmada Faladie ee caasimadda Bamako.

Dalkan ku yaalla galbeedka Afrika ayaa la daalaadhacaya weerarro argagixiso iyo fallaagooyin hubaysan oo mudda dheer xasilloonida gobolka oo ay maali, iyo Burkina Faso ugu horreeyaan halis ku ahaa.