U bood dhigaalka

Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday Cuna-qabatayn ka dhan ah dadka u dhashay Israa’iil ee deggan Daanta Galbeed

Britain ayaa sheegtay inay qorshaynayso cunaqabatayn cusub oo ka dhan ah dadka Israa’iil ee degan Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin, ayadoo tilmaamtay in ay tallaabadaas qaadi doonto haddii sii socdaan xadgudubyada halkaas ka socdaahi.

wasiirka arrimaha dibadda David Lammy ayaa sheegay Axaddii in dowladda Ingiriisku ay ka walaacsantahay falalka xadgudubyada ah ee ka socda Daanta Galbeed, isagoo intaas ku daray inay si dhow ula socan doonaan xaaladda deegaanadaas.

Britain ayaa ku dhawaaqday in ay cunaqabatayn ku soo rogtay dadka Israa’iil deggan Daanta Galbeed bilihii February iyo May ee sanadkan, sababo la xariira waxa ay ku sheegtay kooxaha xagjirka ah ee gabood-fallada kula kacaya dadka reer Falastiin ee dhulkaas iska leh.

David Lammy, oo noqday wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska bishii Luulyo ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii Xisbiga shaqaalaha, ayaa tilmaamay in dowladda cusubi ay qaadi doonto tillaabooyin ay cunaqabatayn dheeraad ku saarayso Israa’iiliinta wada deegaamaynta sharci darrada ah iyo xadgudubyada ka dhanka muwaadiniinta Falastiin.