U bood dhigaalka

Laamaha nabad-gelyada dowladda Soomaaliya oo shir degdeg ah ka yeeshay  xakamaynta hubka sharci darrada ah

Laamaha nabad-gelyada dowladda Soomaaliya oo isugu jira masuuliyiinta wasaaradda amniga, Taliyaasha ciidamada, iyo guddoonka maxkamadaha ciidamada qalabka sida ayaa shir degdeg ah ka yeeshay sidii loo xakamayn lahaa hubka sharci darrada ah ee dalka soo galaya, kaas oo halis ku ah xasilloonida.

Shirka oo uu guddoominayey wasiirka Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya senator Cabdullaahi Shiikh Cismaaciil Fartaag ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada oo mamnuucaya iibinta iyo faafinta hubka sharci darrada ah.

Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay sidii hay’adaha amniga loogu adkeyn lahaa in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada hubka sharci darrada ah, kuwaas oo gacan ka geysanaya hurinta colaadaha qabiillada iyo taageeridda kooxaha argagixisada ah ee Khawaarijta  .

Wasiirka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay kaalin weyn ka qaataan soo celinta hubka sharci darrada ah ee gacanta maleeshiyaadka ku jira, si loo hubiyo amniga guud ee dalka.