U bood dhigaalka

Dagaalka Israa’iil iyo Xisbullaahi oo cirka isku sii shareeraya

Dagaalka u dhexeeya maamulka Israa’iil iyo Ururka Xisbullaahi ee lubnaan ayaa cirka isku sii shareeray, ayadoo saacadihii la soo dhaafay ay labada dhinac is weydaarsadeen boqolaal weerar oo gantaallo iyo duqeymo diyaaradeed isugu jira.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in maalmihii sabtida iyo Axad ee la soo dhaafay ilaa 150 gantaal lagu garaacay gudaha dhulka maamulkooda ka taliyo, ayadoo duqeymaha Xisbullaahi ay kumanaan Israa’iiliyiin ah ku qasbeen inay ku xaroodaan godadka dhulka hoostiisa ah si ay gabbaad uga dhigtaan.

Israa’iil dhankeeda sheegtay inay culays militari saaray waqooyiga, islamarkaana ay ka hortagayso weerarada joogtada ah ee ururka Xisbullaahi uga imaanaya, ayadoo hadda ay muuqato in furin dagaal oo Qasa ka halis badani ay ay ku furantahay maamulka Tel Aviv .

Dagaalka Israa’iil iyo Xisbullaahi ayaa cirka isku sii shareeray ka dib weerarro is-miidaamin ah oo loo adeegsaday qalabka Isgaarsiinta, kaas oo todobaadkii hore lagu bartilmaameedsaday madaxda dhaqdhaqaaqan awoodda badan ee taageerada ka hela Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.