U bood dhigaalka

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo soo saaray oo miinooyin lagu aasay waddo u dhow deegaanka Buulo Xaaji

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, gaar ahaan guutada Birjeex ayaa ku guuleystay in ay soo saaraan miinooyin ay kooxda Alshabaab ku aaseen waddo isku xirta tuulooyin u dhow deegaanka Buulo Xaaji ee Gobolka Jubbada hoose, gaar ahaan aagga tuulada Caanoole.

Ciidamada ayaa howlgallo ay sameeyeen ka dib meel tuulada Caanoole 3 KM u jirta ka saaray miinooyin la sheegay inay kooxda Alshabaab halkaas ku duugeen, sida lagu sheegay war laga soo xigtay saraakiisha.

Deegaanada jubbalaand ayaa kamid ah meelaha ay howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ka socdaan, kuwaas oo ay wadaan ciidanka xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.