U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ay fuliyeen ku dilay xubno ka tirsan ururka Alshabaab

Howlgal qorsheysan oo si wada jir ah ay u fuliyeen Ururka 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo ururka 146-aad ee guutada 14-ka October oo ka wada tirsan Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu diley xubno ka tirsan ururka Alshabaab sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.

Howlgalka ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaanka Jowhar-awdheegle oo 5-KM u jira Degmada Awdheegle, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay la sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay isku abaabulayeen.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa helay xogta xubnihii Alshabaabka ahaa ee halkaas isku aruurinayay, ka dibna weerar kadis ah ku qaaday sida ay saraakiishu sheegeen.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaa ka socda gobollo badan oo dalka kamida, waxaana wada Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta dowlad gobololeedyada iyo dadka deegaanka.