U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyey deegaanno dhaca soohdinta gobollada Gedo iyo Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka dhan ah kooxda Alshabaab ka wada dhulka howdka ah ee dhaca gobollada Baay iyo Gedo, halkaasi oo la sheegay in xubno kooxdaas ka tirsani ay ku suganyihiin.

Ciidanka ayaa burburiyay goobo fariisimo ah oo Alshabaab deegaanadaas ay ku lahaayeen sida ay sheegtay warbaahinta Afka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ku hadashaahi.

Taliyaha Ururka 46-aad ee Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee CXDS Xasan Aadan Maxamed(Xasan Taar) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan, islamarkaana ay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.