U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerar la sheegay in lagu qaaday hoyga safiirka imaaraadka ee dalka Suudaan

Sheeko:War

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay weerar lagu qaaday xarunta safiirka Imaaraadka Carabta ee magaalada Khartoum.

War-saxaafadeedka ay soo saartay Wasaaraddu ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u diidday xad-gudubyada noocan oo kale ah ee saameynaya shuruucda  iyo xeerarka caalamiga ah.

Bayaanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo ergada dublamaasiyadeed si waafaqsan cahdiga Vienna ee xiriirka diblomaasiyadeed.

Warkan ayaa yimid ka dib markii dowladda Imaaraadka Carabtu ay ciidamada dalka Suudaan ku eedeysay inay duqeyn diyaaradeed ku ekeeyeen xarunta safiirkooda ee magaalada Khartuum, balse militariga dalkaas ayaa beeniyay arrintaas, ayagoo xusay in fallaagada RSF ay dhacdooyinka noocaas ah ku kacaan.