In ka badan 100 Shabaab ah oo lagu dilay Howlgal ay fuliyeen Ciidanka dowladda Soomaaliya
In ka badan 100 ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la dilay kuwa kalena waa la dhaawacay markii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada amniga caalamiga ah ay howlgallo ka fuliyeen gobolka Galgaduud, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.
Kooxda ayaa lagu beegsaday nawaaxiga Bida Isse iyo Geriile oo hoos taga degmada dhawaan laga xoreeyay ee Ceeldheer ee Galmudug.
Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Muqdisho sheegay in howlgallada hadda socda ay ku jiraan duqeymo dhulka iyo cirka ah oo lagu burburinayo kaabayaasha kooxda Shabaab.
“Xaaladda guud ee dalka, SNA waxay wadaan howlgallo bartilmaameed ah oo lagu sii wiiqayo saldhigyada iyo hoggaanka Al-Shabaab,” ayuu yiri.
Wasiirka waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadida xoreynta degmooyin cusub si dadka halkaasi kunool nolol loogu soo celiyo.
Isaga oo ka hadlayey hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in sannadka soo socda hawlgal cusub “la bilaabi doono si loogu beddelo ATMIS, ciidamada Itoobiya-na kama qeybgali doonaan ilaa ay ka laabaan heshiisyadooda khaldan.”