U bood dhigaalka

Faransiiska oo ku baaqay in la joojiyo taageerada hubka ee la siiyo Israa’iil

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay in la joojiyo hubka la siinayo Israa’iil oo duqeymo ka waday marinka Qasa iyo dalka Lubnaan, kuwaas oo sababay dhimashada kumanaan dad ah.

“Waxaan u maleynayaa in maanta, muhiimadu ay tahay inaan ku laabano xal siyaasadeed, inaan joojino hubka looga dagaalayo Qasa,” ayuu yiri Macron oo la hadlayay warbaahinta gudaha ee France Inter.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa horay u jeediyay hadallo badan oo Israa’iil ay ka Carootay, asagoo dhowr mar ku baaqay in dagaalka ka socda marinka Qasa degdeg oo loo joojiyo, islamarkaana loo bayro wada-hadallo lagu gaarayo xal nabadeed.