Kaamirooyinka iyo kaalinta isbadelka nabad-gelyada caasimadda
Dhowr bilood ayaa laga joogaa xilligii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday, islamarkaana dhaqan-galisay qorshaha dhammaan degmooyinka caasimadda muqdisho looga hirgelinayo kaamirooyinka nabad-gelyada.
Bilowgiisii hore qorshahan dadweynaha intooda badani waxay u arkaayeen mid aan wax weyn soo kordhin doonin, balse haatan oo inta dhismeyaasha caasimadda lagu xiray kaamirooyinku waxay noqdeen marqaati mar walba heegan ah oo kaalin firfircoon ku leh ka hortagga iyo daba-galka faldembiyeedyada.
Hirgelinta kaamirooyinka ka dib waxaa meesha ka baxday weero ay dadweynuhu ku dhowaad 20-kii sanoo la soo dhaafay maqli jireen, kuwaas oo ay ugu caansanayd “koox aan haybtooda la garanayn ayaa halkaas dil qorshaysan ka geystay”.
Sidoo kale adeegga kaamirooyinka wuxuu noqday mid kamida ilaha ugu waaweyn ee ay laamaha garsoorka caddaymaha dembiyada ka helaan, maxaa-yeelay dhacda kasta xogteeda waxaa ka run-sheegaya qalab aan eex iyo laaluush toona aqbalayn, xilli walbana howshiisa ku foogan.
Ka sokow hormarka nabad-gelyada kaamirooyinku waxay kaalin muuqata ka qaateen yaraynta falalkii tuugnimada, xadgudubyada iyo anshax-xumada ahaa, maxaa qof walboo xumaan ku dhiirran lahaa wuxuu ka baqayaa in muuqaal ama masawir fadeexad ah laga duubo.
Si kastaba ha ahaatee adeegga kaamirooyinku wuxuu hoos u dhigey dilalkii qorshaysnaa ee muqdisho ka dhici jirey, falalkii burcadnimada, iyo xadgudub kasta oo nabad-gelyada ka dhan ah, wuxuuna suurtagaliyay ka hortag dembi oo xeeladaysan iyo daba-gal natiijo degdeg ah