U bood dhigaalka

Madaxweynaha JFS oo kulan la yeeshay qaar kamida madaxda dowlad gobololeedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ku xegeenkiisa iyo madaxda dowlad gobololeedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Masuuliyiintan oo uu shirka Madasha wada-tashiga qaranku uga socdo magaalada Muqdisho ayaa ku kulmay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre oo munaasabad qado sharaf ah loogu sameeyay.

Madaxda Sare ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad gobololeedyada ayaa waxaa weli u socda shirkii madasha wada-tashiga qaramka oo dhowaan ka furmay xarunta Madaxtooyada villa Soomaaliya, waxaana socda dadaallo lagu qancinayo madaxweynaha Jubbaland oo dhowaan ku laabtay magaalada Kismaayo, ka dib markii uu ka horyimid qodobo kamida ajandaha shirka.