U bood dhigaalka

Safiirka Soomaaliya ee Switzerland oo kulammo la qaadatay dhiggeeda dalalka Sacuudi Carabiya iyo Kuwait

Sheeko:War

Switzerland (SONNA):-Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland ahna wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva Ambassador Khadra Ducaale ayaa halkaas kulan kula qaadatay dhiggeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Ambassador Abdulmohsen M.Binkhothaila.

Ambassador Khadra Ducaale iyo dhiggeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ka hadlay adkeynta xiriirka qotoda dheer ee walaalnimo ee labada dal, iyagoo sidoo kale soo hadal qaaday xaaladda gobolka iyo hanaanka ugu wanaagsan adkeynta xiriirka iyo in si dhow uwada shaqeeyaan labada xafiis.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Switzerland ahna wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva Ambassador Khadra Ducaale ayaa sidoo kale kulan la qaadatay Safiirka Kuwait ee halkaasi Ambassador Nasser A. Al-Hayan kuwaas ka hadlay iskaashiga iyo horumarinta xiriirka labada dal.