U bood dhigaalka

Taliyaha ciidanka dhulka XDS oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka ee sugan deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka S/Guuto Dayax Cabdi Cabdulle ayaa deegaanka Waniile oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud kulan kula qaatay saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Xoogga Dalka ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada aaggaas.

Kulanka Taliyaha iyo Saraakiisha ayaa daarranaa  dardar gelinta howlgallada iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagula jira kooxda Alshabaab ee ka socda dalka.

Taliye Dayax ayaa kulamada uu saraakiisha la yeeshay ka dib kormeeray fariisimaha Ciidamada Xogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Waniile ee bariga gobolka Galgaduud, isagoo ku dhiirigeliyey inay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab.