U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay in ay fashiliyeen weerar qaraxyo ah oo lagu soo qaaday

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad qaybta 60-aad ayaa fashiliyay weerar kooxda Al Shabaab qorsheyeen in ay kusoo qaaddaan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Ciidanka oo helay xogta Shabaab ayaa deegaanka Lukugooraw oo qiyaastii 20km u jira degmada xudur ku bur buriyay gaari Qarax siday iyo Maleeshiyaadkii la socday.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa xaqiijiyay in ay khasaare baaxad leh gaarsiyeen.

Taliyeyaasha Milateriga ee gobolka Bakool ayaa u mahadceliyey Shacabka deegaanka kuwaasoo siiyay xogta sahashay in shacabka naftooda la badbaadiyo.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyay feejignaanta si ay uga hortaggaan weerara Jarmaadada ah ee Kooxda ay kusoo qaado Ciidanka.