U bood dhigaalka

Maxkamad ku taalla dalka Bangladesh ayaa amartay in la soo xiro ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Sheekh Hasina

Maxkamad ku taal Bangladesh ayaa amartay in la soo xiro ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Sheekh Hasina, taasoo u carartay Hindiya in ka badan laba bilood ka hor markii lagu riday kacdoon ay ardaydu horkacayeen.

Mohammad Tajul Islam, oo ah madaxa dacwad oogaha maxkamada caalamiga ah ee dambiyada caalamiga ah ee Bangladesh (ICT), ayaa sheegay in Khamiista maanta ah maxkamaddu ay soo saartay amar lagu soo xirayo Hasina iyo 45 kale oo ka tirsanaa xukuumadeedii.

Hasina laguma arag meel fagaare ah tan iyo markii ay ka tagtay Bangladesh bishii agoosto, waxayna wararku sheegayaan i 77-sano jirkani ay markii ugu dambeysay ku sugnayd saldhig milatari oo u dhow caasimadda India ee New Delhi.

Joogitaankeeda Hindiya ayaa ka caraysiiyay Bangladesh, waxayna dowladdu kala noqotay Hasina baasaboorkeeda diblomaasiga ah, balse lama oga in India ay oggolaan doonta inay xukuumadda Dakar u soo gacan geliso haweenaydan muddada dheer ra’iisul wasaaraha soo ahayd, Aabaheedna uu ahaa  madaxweynihii ugu horreeyay ee dalkaas .