Goobjoog

Madaxweynaha Kenya oo magacaabay madaxweyne ku xegeenkiisa Cusub

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Prof Kithure Kindiki inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka cusub ee bedelaya Rigathi Gachagua oo saacado ka hor xilka laga qaaday.

Magacaabista Kindiki ayaa u baahan ansixinta golaha sharci-dejinta, balse waxa ay u badan tahay in la meel mariyo doono maadaama Ruto uu haysto aqlabiyad baarlamaanka dalka.

Tillaabadan ayaa timid ka dib todobaadyo is mari waa siyaasadeed uu ka aloosnaa Kenya, kaas oo u dhexeeyay madaxweyne Ruto iyo ku xegeenkiisii hore mudane Rigathi Gachagua oo baarlamaanka ugu dambeyn ay xilka ka qaadeen.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments