U bood dhigaalka

Madaxweynaha Mareykanka oo dilka Yaxye Sinwaar ku tilmaamay waa cusub oo Israa’iil iyo Mareykanka u beryay

Madaxda dowladda Mareykanka iyo maamulka Israa’iil oo saacado ka hor ku dhawaaqay  dilka hoggaamiyihii ururka Xamaas Yaxye Sinwaar ayaa jeedinaya hadallo u muuqda hambalyo ku aaddan howl muhiim ah oo ay ku guulaysteen.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dilka Yaxye Sinwaar uu ka dhiganyahay waa samaad oo u beryay Israa’iil iyo Mareykanka, islamarkaana dadka reer Falastiin ee marinka Qasa mustaqbalkooda hagaagayo Xamaas la’aanteed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha maamulka Israa’iil ayaa sheegay in dagaalka Qasa uusan ku joogan doonin dilka Yaxye Sinwaar, dhinaca Xamaas’se wax war ah oo arrintaan ku saabsan weli lagama hayo, sidaa darteed warbaahinta illaa haatan boqolkiiba boqol ma hubto warkan.