U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta kusoo dhigay xubno ka tirsan Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), gaar ahaan Guutada 8aad ee qeybta 60aad, ayaa ka fuliyay howlgallo qorshaysan deegaanno ku yaalla buuraleyda gobolka Baay.

Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa in la burburiyo haraadiga kooxda Shabaab ee halkaas ku dhuumaaleysanaya.

Howlgallada waxaa si gaar ah looga fuliyay deegaannada, Mooro Busto ,Ceel Sharif iyo Ceel Mareer .

CXDS waxay gacanta kusoo dhigeen laba xubnood oo ka tirsan Shabaab kuwaas oo isku dayayay inay ka dhuuntaan howlgalka iyo cadaadiska ciidamada.

    Sida ay sheegeen Taliska Ciidanka Xoogga labada xubnood ee la soo qabtay waxaa lagu haya baaritaan dheeraad ah si loo xaqiijiyo xogtooda iyo xiriirkooda gudaha kooxda Shabaab.

    Howlgallada noocan ah ayaa qayb ka ah dadaalka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka ee lagu wiiqayo awoodda Shabaab, gaar ahaan deegaanada buuraleyda iyo meelaha ay ku dhuuntaan.