U bood dhigaalka

Booliska Dalka Jabuuti ayaa xiray haweenay 11 nin ku guursatay wax ka yar 3 bilood

Booliska dalka jamhuuriyadda Jabuuti ayaa xiray haweenay lagu eedeeyay inay 11 nin ku guursatay muddo ku siman 3 bilood, islamarkaana ay lacago badan ka cuntay.

Booliska ayaa sheegay inay ogaadeen in haweenaydaani ay masaajidda tagi jirtay ka dibna ay guur shuruud la’aan ah dalaban jirtay, taas oo keentay in rag badani muddo kooban ku guursadaan.

Ragga haweenaydan guursaday ayaa la sheegay inay ka qaadatay lacag gaaraysa 2000000 faranki oo lacag jabuuti ah, waxayna boolisku falkan ku tilmaameen wax is daba marintii ugu weyneed ee maalmahan ka dhacday dalkaas.