U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib uga soo celisay in ka badan 160 dhallinyaro oo ku dhibaataysnaa dalka Libya

Sheeko:War

Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Batroolka, Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Booliska iyo Ergeyga Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan Arrimaha  Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta ayaa saakay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay 164 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo laga soo saaray  xabsiyada Dalka Libya.

109 qof oo kamid ah dhalinyaradaas ayaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, halka 55 qof oo kale laga dejiyay Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer u gashay soo badbaadinta dhallinyaradaan oo muddo dheer ku dhibaateysneyd xabsiyada dalka Libya, iyagoo gacanta u galay kooxo Magefayaal ah, waxaana hadda lagu guuleystay in dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo.