U bood dhigaalka

Kenya oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay gaarigii lagu afduubtay 3 qof oo Soomaali oo dhowaan lagu diley dalkaas

Sheeko:War

Ciidamada dambi baarista ayaa soo helay gaari la rumeysan yahay in loo adeegsaday afduubka iyo dilka ka dib saddex qof Soomaali ah, kuwaas oo hal qoys ka wada tirsanaa, dhowaanna laga afduubtay xaafadda Islii.

Seddaxdan qof oo dumar ahaa ayaa dhowaan meydkooda la helay, waxaana gaarigan la rumeysan inuu yahay midkii loo adeegsaday afduubka dadkan la laayay
, Sidoo kale ciidamada dembi baarista ayaa su’aal weydiinaya haweenay Soomaali ah, taas oo la rumaysanyahay inay dhacdadan argagaxa leh wax ka ogtahay.

Haweenaydan ayaa sheegtay in lala afduubtay 3-da qof ee la diley, islamarkaama afduubayaashu ay ka dalbadeen lacag madax furasho ah si ay u sii daayaan, waxaana qoyskeeda u suurtagashay in ay soo ururiyaan lacag dhan 1 milyan oo shillinka Kenya ah, taasi oo lagu shubay xisaab bangi oo Itoobiya laga leedahay.

Hadalkeeda waa mid ka mid ah tilmaamaha muhiimka ah ee baarayaashu u kaashanayaan daba-galka dhacdadan argagaxa leh, waxayna booliisku baarayaan inay gacan ka geysatay falka iyo inay dhibane tahay.