U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Khariidad dood ka dhalisay baraha bulshada

Sheeko:War

Wasiirka Batroolka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sidii wanaagsanayd ee ay shalay ugu dabaaldegeen imaanshihii Markabka Shidaal-Sahminta Oruc Reis, oo qayb ka ah dadaallada loogu jiro in kheyraadka dabiiciga ah ee dalka loo isticmaalo horumar dhaqaale iyo isku-filnaan nololeed.

Wasiirku wuxuu sheegay in dhacdadaasi ay tahay guul miro-dhal ah oo ka timid shaqo qaran oo ballaaran, taas oo ku saleysan dadaallo muddo badan socday. Si kastaba ha ahaatee, isagoo tixgelinaya culeyska iyo baaxadda mashruucan, wasiirku wuxuu raalli-gelin ka bixiyay cillado farsamo oo aan la qorsheyn oo ka dhacay intii ay hawshu socotay.

Mid ka mid ah khaladaadka la xusay ayaa ahaa sawirka qariiddada (MAP) ee laga isticmaalay munaasabadda soo-dhawaynta Markabka. Wasiirka ayaa caddeeyay in shirkadda ku hawlanayd qurxinta munaasabadda ay si aan ula kac ahayn u adeegsatay MAP aan sax ahayn, taas oo laga soo xigtay ilo kale oo ku jiray internetka. Khaladkaas ayaan wax xiriir ah la lahayn hawlaha rasmiga ah ee Wasaaradda Batroolka ama siyaasadaha qaranka ee la xiriira sahminta shidaalka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in wasaaraddu aysan marna ku dhaqmin wax talo ama qorshe ah oo keeni kara kala-qoqob siyaasadeed, gobol ama deegaan, isagoo xusay in la raaco mabaadii’da iyo siyaasadaha guud ee dowladnimo.

Gabagabadii, Wasiirka Batroolka, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa shacabka Soomaaliyeed ka raalli-geliyay qaladaadka dhacay, isagoo ballan qaaday in wasaaraddu ay mar walba u heellan tahay inay si hufan oo sharci waafaqsan ugu adeegto dalka iyo dadka Soomaaliyeed.