U bood dhigaalka

Maxaa ka soo kordhay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Iran ?

Waxaa isi soo taraya xoga ku saabsan weerarkii ay Israa’iil ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla gudaha jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran, kaas oo saacadihii la soo dhaafay ahaa udub-dhaxaadka tebinta warbaahinta dunida.

Waxyeelada ka dhalatay weerarkan ayaa la sheegayaa inay ahayd mid kooban, militariga Irana wuxuu sheegay in laba askari ay uga dhimatay duqeymaha Israa’iil oo u muuqda kuwo aan khasaare xoogan geysan.

Wargeyska The Wall Street Journal ee ka soo baxa dalka Maraykanka oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in dalal badan oo Carab iyo Yurubba isugu jiraahi ay Iran gaarsiiyeen digniin ku saabsan weerarka Israa’iil qorshaynayso saacado ka hor inta aanu dhicin, taasina ay keentay in Tehran ay diyaar-garowdo.

Wargeyska New York Times oo asna soo xiganaya saraakiil Iran ka tirsan ayaa sheegay in goobaha ay Israa’iil weerartay ay ka mid yihiin habka difaaca S-300 ee yaalla garoonka Khomeini, iyo 3 gantaal oo ay leeyihiin ilaalada kacaanka ee gobolka Tehran.

Si kastaba ha ahaatee waxyeelada weerarka Israa’iil ayaa u muuqata mid kooban, Irana si ka duwan dhaqankii looga bartay falcelin weyn kama bixin dhacdadan, taas oo ka dhigan in waxa dhacay aysan yeelan saameyntii laga filayay.