U bood dhigaalka

Laamaha nabad-gelyada Kenya oo soo bandhigay sawirka iyo xogta eedeysanaha koobaad ee loo haysto dilkii gabdhaha Soomaaliyeed

Sheeko:War

Dembi baarayaasha dalka Kenya ee u howlan daba-galka dilkii foosha xumaa ee gabdhaha Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay wejiga tuhmanaha ugu weyn ee ka dambeeyay dilkii foosha xumaa ee 24-kii October ka dhacsy xaafadda Islii, kaas oo si bahalnimo ah loogu qur-gooyay labo dumar ah iyo gabar yar oo dhammaantood Soomaali ah.

Hay’adda dambi baarista ee DCI ayaa soo bandhigtay sawirka Haashim Dagane Muxumed oo 24-jir ah, kaasi oo la rumeysan yahay inuu watay gaarigii loo adeegsaday afduubka dadka dilka loo geystay.

Muuqaallada Kaamirada Qarsoon ee CCTV ayaa muujinaya Gaariga oo noociisu ahaa Nissan Note oo dadka la dilay ka soo qaaday gurigooda oo ku yaalla Xaafadda Islii saacado ka hor inta aan meydadkooda laga helin meelo kala duwan.

Gaariga ayaa laga helay isagoo cidlo ah Suuqa Wakulima oo u dhow masraxa Tababarka ENA ee magaalada Nairobi, waxaana loo jiiday Xarunta DCI-da si baaritaan loogu sameeyo.

DCI-da ayaa hadda ka codsatay qaybaha bulshada inay soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka gaysan karta soo qabashada Haashim Muxumed, maadaama ay gacanta ku hayaan hal eedeysane oo la xariirinayo ka luglahaanta falkan arxan-darrada ah.

Si kastaba ha ahaatee eedeysanaha koobaad ayaa hadda si xooggan loo baadi-goobayaa, lamama oga jihada rasmiga ah ee uu u baxsaday, waxaa’se gacanta laamaha nabad-gelyada ku jira xubno kale oo la tuhunsanyahay, kuwaas oo uu kamid yahay nin lagu tilmaamay gacan ku dhiigle oo habeenkii faldembiyeedku dhacay la xariiray Haashim oo eedeysanaha koobaad ah.