Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in Israa’iil ay weerarkii Iran ku bartilmaameedsatay keliya goobo militari
Madaxweynaha mareykanka ayaa sheegay in Israa’iil weerarkii ay Iran ku qaaday ku beegsatay keliya goobo militari, ayna rajaynayaan in isku jawaabidda labada dhinac ay halkaas ku ekaan doonto.
” Israa’iiliyiintu waxay weerareen oo keliya bartilmaameedyo millatari, waxaana rajeynayaa in tani ay noqon doonto dhammaadka weerarrada ay isweydaarsanayaan Tel Aviv iyo Tehran”, ayuu yiri madaxweyne Joe Biden.
Wuxuu intaas ku daray inay horay uga war hayeen weerarrada ay Israa’iil qaadayso, balse aysan wax kaalin ah ku lahayn dhankooga, inkastoo uu sheegay inay la-tashiyo dhow la sameeyeen maamulka Netanyahu iyo xulafadooda.
Si kastaba ha ahaatee Iran ayaa sheegtay in waxyeello aad u koobani ay ka soo gaartay weerarkii Israa’iil, dhanka kalena waxaa muuqanaysa in mareykanku aanu doonayn sii socashada weerarada labada dhinac, Tehran’se waxay wcad ku martay inay jawaab adag bixin doonto.