Soomaaliya oo garab istaagty Iran ka dib Weerarkii Tehran
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareysay weerarkii Israa’iil ku qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan shalay Subax.
Weerarkan ayaa ku ah xadgudub cad madaxbannaanida Iiraan iyo shuruucda caalamiga ah sida ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Dowladdu waxay caddeyneysay in ay si buuxda u taageereyso Iiraan, waxayna ka digtay kacsanaan dheeraad ah oo ka dhex dhalan karta gobolka, taasoo khatar ku ah amniga iyo xasilloonida dalalka iyo shacabka gobolka.
Soomaaliya waxay mar kale ugu baaqday bulshada caalamka iyo Golaha Amaanka Qaramada Midoobay inay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu joojinayo dhacdooyinkan halista ah, si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
“Waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo dadaal lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka, iyadoo la raacayo shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah.” Wark kasoo baxay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.