U bood dhigaalka

Xubno ka tirsan Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

Roobow Abdiyow Hasan iyo Nuurow Tukow Manuur ayaa si rasmi ah isku soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 47-aad ee Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad CXDS.

Labadan nin ayaa muddo sagaal bilood ah ka mid ahaa kooxda Al-Shabaab ee degmada Bu’aalle, oo ku taalla gobolka Jubada Dhexe.

Intii ay kooxda ku sugnaayeen degmada Bu’aalle, waxay ka qeyb qaateen tababaro kala duwan oo loogu talagalay inay u diyaariyaan la dagaalanka ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha Ururka 47-aad ee Guutada 8-aad, L/X/le Ahmed Maxamed Nuur (Ahmed Dhagey), ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ragaasi ay isku soo dhiibeen meel ku dhow deegaanka Goof Gaduud, islamarkaana la marsiin doono Wadooyinka sharciga.