Maxaa looga hadlay kulanka guddiga maaliyadda BFJS iyo taliyaasha ciidamada?
Guddiga Maaliyadda ee labada gole BJFS ayaa kulan ku yeeshay xafiiska guddiga ee Villa Hargeysa, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Wasiirka Gaashaandhiga, Taliyaha Ciidanka XDS, Taliyaha Booliiska, Taliyaha nabad sugida, Taliye ku xigeenka ciidanka asluubta Soomaaliyeed.
Ugu horeeyn Guddiga Wuxuu warbixin ka dhageystay dhamaan Taliyaasha iyo Wasiirada shirka ka soo qeyb-galay, iyagoona faahfaahiyay daruufaha ciidanka ku gadaaman iyo in kororka miisaaniyadda sanadkaan loo wareejiyo dhanka ciidanka.
Gaba-gabadii Guddoomiyaasha Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee BJFS oo kulanka soo xiray ayaa usheegay in Xaquuq u halida Ciidanka XDS ay muhiim tahay ka guddi ahaana ay diyaar u yihiin in ciidanka Xuquuq loo raadiyo.