U bood dhigaalka

NISA oo sheegtay in ay qabatay xubno Shabaab u qaabilsanaa Sahanka

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Shabakad ka kooban labo xubnood oo Shabaab u qaabilsanaa qeybta sahanka.

Sirdoonka dalka oo hayay xogta labadaan nin isla markaana in muddo ah ku daba jiray ayaa ugu dambeyn ku guulaystay in la qabto iyaga oo ku jira sahminta goobo ay rabeen in ay Shabaab ku dhibaateyso shacabka.

Sida ay sheegtay NISA Labada nin ee la qabtay ayaa kala ah Sakariye oo uu dhalay Saciid Cabdullahi Sulsul oo Shabaab u qaabilsan qaybta sahanka goobaha ay damacsan yihiin in ay shacabka ku dhibaateeyaan ee Gobalka Banaadir iyo Cabdullaahi Axmed Xasan oo ah Sargaal ka tirsanaa dowladda kaas oo qiyaanay dowladdiisa iyo shacabkiisa.

Xubnaha la qabtay ayaa qirtay fal dambiyeedka lagu soo qabtay iyo dhagaro kale oo ka horreeyay oo Shabaab ay ku waxyeeleeyeen dad shacab ah. Sida ay sheegtay NISA.