Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay rag loo haysto ganacsato lagu diley degmada Daarusalaam
Hay’ada Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigtay laba nin oo lagu eedeeyay dil seddax ganacsato ah, oo lagu diley degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.
War saxaafadeed ay Hay’addu soo saartay ayaa lagu yiri: “Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay labo eedeysane oo loo heysto in ay fuliyeen dil ka dhacay magaalada Muqdisho.
Eedeysaneyaasha oo lagu kala magacaabo Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali ayaa ku eedeysan in ay fuliyeen dilka seddex muwaadin oo Ganacsato ahaa kuwaas oo lagu dilay Degmada Daaru Salaam ee Gobolka Banaadir.
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa ku raad jooga eedeysane seddexaad oo baxsad ah si isagana caddaaladda loo hor keenno.
NISA, waxaa ka go’an ciribtirka cadowga Khawaarijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka ah”.