U bood dhigaalka

Doorashada Madaxtinimada ee Somaliland Maxay uga dhigan Tahay Maamulada kale ee Ka jira Soomaaliya?

13-kii bishan Nofeember dadweynaha deegaanada Soomaaliland ayaa u dareeray goobaha codbixinta doorasho qof iyo cod ah oo bulshadu ay go’aan uga gaarayaan cidda hogaamin doonta 5-ta sano ee soo socata.

Doorashadan oo dowladda Soomaaliya iyo dalalka waaweyn ee duniduba ay bogaadiyeen ayaa muujisay sida shacabka Somaliland ay ugu heelan yihiin inay hoggaankooda si dimoqoraadi ah ku doortaan, si ka duwan deegaanada kale ee soomaalida oo aan intooda badan u bislayn doorasho caynkaas ah.

Inkasta oo Somaliland si sharci ah ay u tahay qayb ka mid ah jamhuuriyadda Soomaaliya, islamarkaana aysan weli aqoonsi ka dib markii ay gooni isku taag ku dhawaaqday
sanadkii 1993, haddana dhismaha hannaan maamul oo dimoquraadi ah, nabad-gelyo buuxda, iyo doorasho hufan ayaa ah guulaha ay Soomaaliland indhaha caalamka ku soo jiidatay.

Doorashada qofka iyo codka ah ayaa muujinaysa in dadweynaha Somaliland ay  awood u leeyihiin in ay mar kasta si nabad ah u beddeshaan hoggaankooda, taasoo ah arrin ku dhiirrigelin karta maamullada kale ee Soomaaliya ay ku daydaan.

Somaliland waxay gaartay horumar dimoqoraadiyadeed oo ka duwan nidaamka ay ku shaqeeyaan maamullada kale ee Soomaaliya, waxayna awood u yeelatay inay sameyso doorashooyin toos ah oo shacabka si xor ah ugu codeeyaan cidda hoggaanka maamul u qabanaysa.

Si kastaba ha ahaatee doorashada madaxtinimada ee Somaliland ayaa tusaale iftiimaya u ah maamullada kale ee Soomaaliya, iyada oo muujinaysa sida dimoqoraadiyadda loo horumarin karo iyo sida xasillooni waarta loo gaari karo, waxaana culayska ugu weyn ee ay Soomaaliland ka gudubtay, maamullada kale’se haystaahi uu la xariira nabad-gelyada aan si buuxda laysugu hallayn karin.