Guddiga Doorashooyinka Jubbaland oo ku dhawaaqay Liiska Xildhibaano Cusub
Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa shaaciyay liiska 75-ka Xildhibaan ee cusub ee Golaha Wakiillada Jubbaland.
Liiskan waxaa soo gudbiyay odayaasha dhaqanka ee Jubbaland, iyada oo inta badan xubnaha ku jira ay yihiin kuwii hore uga tirsanaa baarlamaanka Jubbaland.
Xildhibaanadan cusub ayaa door muhiim ah ka ciyaari doona doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo qorshuhu yahay in ay dhacdo 25-ka November 2024.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in liiskaan lagu soo xulay hab waafaqsan nidaamka beelaha, oo ay soo gudbiyeen odayaasha dhaqankaโโโโ.
Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa diiday Xildhibaanada cusub ee maanta lagu dhawaaqay. Madaxweynaha Jubbaland ayay ku eedeyeen in uu doonaayo in ay ku shubto doorashada.