U bood dhigaalka

Beesha Caalamka oo Jubbaland ugu baaqday in ay ku laabato Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Sheeko:War

Saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay xiisadda u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedka Jubaland, taas oo sii xoogeystay kadib kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ).

Qoraal kasoo baxay saaxiibada caalamka ayaa lagu boorriyay dhammaan dhinacyada ay khilaafku khuseeyo inay muujiyaan mas’uuliyad iyo tanaasul, si looga fogaado xaaladda oo kasii darto.

Jubaland ayaa si gaar ah loogu dhiirigeliyay inay dib ugu soo laabato GWQ si looga wada hadlo arrimaha taagan, lana soo celiyo xiriirka DFS iyo Jubaland.

Saaxiibada caalamka waxay sidoo kale ku baaqeen in xiisad abuuridda la joojiyo, islamarkaana dib loo billaabo wadahadal dhab ah oo salka ku haya sidii lagu dhamaystiri lahaa geeddi-socodka doorashada.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in ay taageerayso dadaallada dowladda Soomaaliya ee doorashada qof iyo Cod.