U bood dhigaalka

Taariikh nololeedkii Wariye Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Siraad

Waxaa saacado ka hor Isbitaal magaalada Hargeysa ku yaalla ku geeriyooday wariye Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ahaa saxafi rugcaddaa ah oo in ka badan 50 sano ku soo dhex jirey warbaahinta Soomaalida iyo midda caalamkaba.

Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Siraad wuxuu sanadkii 1947-kii ku dhashay magaalada Sheekh, wuxuuna waxbarashadiisa aas-aasigaa iyo midda dugsiga sareba ku qaatay magaalada Hargeysa ee caasimadda u ah Soomaaliland.

Sanadkii 1969-kii ayuu waxbarasho jaamacadeed u tagey dalka Ingiriiska, asagoo bartay cilmiga chemistry-ga, muddo yar ka dibna wuxuu shaqo ka helay laanta Af-soomaaliga ee BBC-da oo xilligaas ahayd warbaahinta keliya ee ay Soomaalidu dhagaysan jirtay, markii laga reebo Radio muqdisho iyo Radio Hargeysa oo afka dowladda ku hadli jirey.

Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Siraad wuxuu kamid ahaa wariyaashii ugu codka wanaagsanaa shaqaalaha BBC-da , ayadoo lagu jeclaa war akhrintiisa deggan iyo erayada xulka ah ee uu xogaha ku gudbin jirey.

Cabdirasaaq wuxuu laanta Af-soomaaliga ee BBC-da ka tagey sanadkii 2019, wuxuuna xilligaas wixii ka dambeeyay u dhexeeyay magaalooyinka London, Sheekh, iyo Hargeysa oo uu maanta ku geeriyooday.

waxyaabaha lagu xusuusan doono wariye Cabdirasaaq Xaaji Maxamed Sirad ayaa waxaa kamida in warqad warka ku qorani uu Af-ingiriis yahay uu toos Af-soomaali ugu akhrin jirey, asagoo sadarka uu akhrinayo midka ka dambeeya sii turjuman jirey intuu hawada ku jiro, sida uu sheegay madixii hore ee laanta Af-soomaaliga ee BBC-da Cabdullaahi Cabdi Shiikh oo ay muddo dheer wada shaqaynayeen.