๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ฆ๐๐๐ฅ-๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ก๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ฒ๐จ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan deg-deg ah ayaa ansixiyey heshiisyo dhowr ah oo kala ah hindise sharciyeedka iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo iska kaashanaya Arrimaha Beeraha, Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta, iyo heshiis ku saabsan shaqo qorista shaqaalaha oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Shirka oo uu guddoominayey Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo ku saabsan amniga dalka, iyo dib u xoreynta deegaannada ay ku suganyihiin Shabaab, iyadoo Goluhu uu meel-mariyey heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman oo ay kala saxeexdeen Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.