Boqolaal ka tirsan kumaandooska Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray Turkiga
Boqolaal tirsan ciidanka kumaandooska ee Soomaaliya ayaa Jimcihii ka qalinjabiyay tababar muddo uga socday dugsi tababar oo ku yaalla dalka Turkiga.
Askarta kumaandooska ah ee Gorgor oo tababarka ku bartay sida loola tacaalo caqabadaha amniga ee ka jira Geeska Afrika, gaar ahaan halista kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.
“Maanta waxaan magaaladda Isparta ee Turkiga ku qabanay xaflad muhiim ah oo ah xiritaanka tababar loogu talagalay xoojinta heshiiska ku saabsan dhismaha iyo xoojinta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya,” ayay Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ku tiri barta X, kadib munaasabadda qalin-jabinta.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Cevdet Yilmaz toddobaadkan, ayaa uga mahadceliyay Ankara taageerada qaaliga ah ee ay u fidisay nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Bariga Afrika.
Wuxuu sheegay in Muqdisho ay sii wadi doonto dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka adag ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, islamarkaana la ballaarin doono walaaltinimada labada dal.
Turkiga, oo muddo dheer xulafo dhow la ahaa Soomaaliya, wuxuu sidoo kale maalgashaday waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo caafimaadka Soomaaliya.
Turkiga wuxuu ku leeyahay xarunta ugu weyn ee militari ee dibadda ku taalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si uu u tababaro Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.