Ciidanka dowladda oo qabsaday deegaanka muhiimka ah ee Shanlow
Ciidamada hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka (NISA) iyo ciidanka Gorgor ayaa howlgal qorsheysan kula wareegay deegaanka Shanlow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, ciidamada ayaa hawlgalkan ku guuleystay iyaga oo aan wax khasaare ah soo gaarin.
Deegaankaan oo muhiim ah ayaa hadda si buuxda gacanta ugu jira dowladda Soomaaliya. Wuxuu ka mid yahay deegaanada ku teedsan Wabiga Jiingiisa una dhow deegaanka Xawaadlay.
Ciidanka Amniga ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalladaan noocaan oo kale ilaa inta laga saarayo Shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay labadii sano ee lasoo dhaafay ay qaado howlgal ka dhan ah Shabaab oo looga xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.