U bood dhigaalka

Saraakiisha CXDS iyo Maamulada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo Xalliyay Shaqaaqo Ka Taagnayd Xadka Labada Gobol

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo Maamulada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ku guuleystay xalinta shaqaaqo maalmihii la soo dhaafay ka jirtay xadka u dhaxeeya labada gobol.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu sugayo nabadda iyo xasilloonida deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Taliyaha Qaybta 27-aad ee CXDS, G/dhexe Cabdullaahi Cumar Maxamed, oo ay wehliyaan saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada, ayaa goob joog ka ahaa isku keenidda beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay qaybo ka mid ah maamulka Hirshabeelle.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii looga gudbi lahaa xiisadaha iyo tabashooyinka keena colaad dhexmarta beelaha wada dega xadka labada gobol.

Talooyinka Saraakiisha iyo Maamullada
Saraakiisha iyo maamullada labada gobol ayaa si adag u faray bulshada deegaanka in ay ka fogaadaan ficil kasta oo horseedi kara colaad cusub.

Waxaa la faray in cid walba oo isku dayda hurinta colaad ama kicinta bulshada lala tiigsan doono sharciga. Saraakiishu waxay carrabka ku adkeeyeen in maxkamadaha awoodda u leh loo gudbin doono cid kasta oo ku lug leh amni darro.