U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo diyaarado dagaal ku biirisay ciidanka ay geysay Raaskaambooni

Dowladda Soomaaliya ayaa raxan diyaaradaha qumaatiga u kaca ah ku biirisay howlgalka militari ee ay ka waddo deegaanka Raaskaambooni ee gobolka jubbada hoose oo dhowaan la geeyay ciidamo xooggan.

Taliyaha hoggaaminaya ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Haramcad ee deegaankaas ku sugan kornayl Ciraaqi oo warbaahin la hadlay ayaa sheegay in ciidanka cirka Soomaaliyeed oo diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah wataahi ay Raaskaambooni gaareen.

Dowladda Soomaaliya ayaa deegaankaas gaysay ciidamo aad u hubaysan, kuwaas oo la sheegay inay la wareegi doonaan goobaha ay ka baxayaan ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, balse maamulka Jubbaland ayaa tillaabadan u arka duullaan asaga ku wajahan.