Itoobiya oo ciidankii ugu badnaa ku soo daabulaysa deegaanada Jubbaland iyo Koonfur galbeed
Dowladda Itoobiya ayaa maalmihii la soo dhaafay ciidankii ugu badnaa ku soo guraysay magaalada Godey ee gobolka Shabeelle, kuwaas oo isku diyaarinaya inay si sharci darro ah ku galaan gollada Gedo, Hiiraan, iyo Bakool.
Boqolaal ciidamadaas kamid ah ayaa dhowaan gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, ka dib maalmo guddoomiyaha degmadaasi uu Itoobiya ku joogay safar la sheegay inuu ku saabsanaa ka wada-hadalka arrimaha xuduudka labada dal.
Ciidankan ay Itoobiya dalka ku soo daabulayso ayay dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay fara-gelin iyo meel ka dhac qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dhan ah, ayadoo sheegtay inaysan xadgudubka noocaas ah u dulqaadan doonin.
Dhaqdhaqaaqa uu wado maamulka Abii Axmed ayaa ku soo beegmaya xilli ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ciidanka Itoobiya iyo howlgalka midowga Afrika ee ATMIS ay dalka ka baxayaan dhammaadka bishan December, balse haddii ay go’aankaas diidaan waxa dowladda u qorshaysan ayaan la ogeyn.