Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Ghana, John Dramani Mahama, kadib markii uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu magaca dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayo Madaxweyne Mahama guushiisa doorashada.
Qoraalka madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ghana, gaar ahaan dhaxalka midnimada Afrikaanka.




From the comments