U bood dhigaalka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo sii adkeeyay Cunaqabateynta saaran Al-Shabaab

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar cusbooneysiinaya cunaqabateynta la saaray kooxda al-Shabaab ilaa 28-ka Febraayo, 2025.

Qaraarkan, oo ay soo gudbisay dowladda UK, ayaa si wadajir ah waxaa ugu codeeyay dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka.

Waxa uu ogolaanayaa tallaabooyin lagu dhaqan gelinayo xayiraadda hubka sharci darrada ah ee la soo dhoofiyo, mamnuucidda dhoofinta dhuxusha, iyo xannibaadda agabka loo isticmaalo sameynta waxyaabaha qarxa (IED).

Cunaqabateynta ayaa sidoo kale sii adkeysay xayiraadda hubka, safarka, iyo hantida ee ku wajahan kooxda al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa muddo dheer wajahaysay amni-darro, iyadoo qataraha ugu waa weyn ay ka imanayaan kooxaha al-Shabaab iyo Daacish/ISIS.

Tan iyo 2007, al-Shabaab waxay dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.