Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyay geerida Shiikh Muuse cadde
Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida, Alle ha u naxariistee, Sheekh Muuse Nuur “Sheekh Muuse Cadde” oo ka mid ah culimmada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka Sheekhu uu ku lahaa wax-barista, wacdiga, waaninta iyo faafinta cilmiga shareecada ee geyiga Soomaaliyeed, isagoo xusay dhaqammadii wanaagsanaa ee uu ku tilmaamnaa Marxuumku.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa Alle uga rajeeyey Sheekh Muuse Cadde in uu hooygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qaraabada, culumaa’uddiinka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uuka baxay.
Allaha u naxariistee Sheekh Muuse Cadde oo kamid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa caawa ku geeriyooday dalka Netherlands, waxaana dhimashadiisa xaqiijiyay wiilkiisa Anwar Sheekh Muuse Cadde oo warbaahinta la hadlay.