U bood dhigaalka

Sarkaal ka tirsanaa Booliska Soomaaliya oo Dhuusamareeb lagu dilay

Sheeko:War

Taliye Xasan Quuri, oo ka mid ahaa saraakiisha firfircoon ee Booliska Soomaaliya, ayaa xalay lagu dilay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug.

Dilka Taliyaha ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee isbitaalka weyn ee Dhuusamareeb, xilli uu ku dhex sugnaa gaarigiisa.

Allaha u naxariistee, Taliye Xasan Quuri wuxuu ahaa shaqsi caan ka ahaa Galmudug, gaar ahaan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel. Wuxuu ka soo shaqeeyay waayihii Ahlu-Sunna, isagoo hormuud ka ahaa nabadgelyada iyo howlgallada amniga ee gobolka.

Ninkaan ayaa sidoo kale soo noqday taliye ku xigeen Saldhig.

Markii weerarka dhacay, gaariga uu ku sugnaa Taliyaha waxaa la saarnaa gabar dhaawac fudud uu ka soo gaaray gacanta. Gabadhan ayaa ayaa gaartay isbitaalka oo u dhowaa, iyadoo aan awoodin inay aqoonsato cidda falka geysatay maadaama ay habeen madow ahayd.

Booliska magaalada Dhuusamareeb ayaa wadda baaritaano ballaaran oo lagu ogaanayo cidda ka dambeysay dilkan qorsheysan. Waxaa la soo xiray dad lagu tuhmayo inay lug ku leeyihiin falka, waxaana la filayaa in baaritaannada socda ay horseedaan in gacanta lagu soo dhigo qofkii ka dambeeyay weerarka lagu dilay sarkaalkan muhiimka ahaa.