Kooxda Xuutiyiinta oo weerartay goobo ku yaalla gudaha Israa’iil
Sheeko:Wararka Caalamka
Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa sheegay inay weerar gantaallo ah ka fuliyeen goobo ku yaalla gudaha maamulka Israa’iil iyo dhulalka kale ee la haysto.
Af hayeenka ciidamada Xuutiyiinta Yaxye Saara ayaa sheegay inay gantaallo ku garaaceen bartilmaameedyo militari oo ku yaalla gudaha Israa’iil, gaar ahaan magaalada Jaffa ee la haysto.
Xuutiyiinta ayaa weerarro joogta ah ku hayay Israa’iil iyo maraakiibta badda cas maraysa ee maamulkaas iyo reer galbeedku leeyihiin tan iyo markii uu bilowday dagaalka Marinka Qasa 7-dii Oktoobar sanadkii hore ee 2023.