U bood dhigaalka

Caro ka dhalatay askartii lagu laayay Ceelbaraf iyo dowladda oo aan weli ka hadlin

Saacado ka hor waxaa deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada dhexe lagu diley 6 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ay laayeen dadkii ay nabad-gelyadooda iyo difaacooda u taagnaayeen, dsrteedna tababarrada adag iyo culaysyada u soo mareen.

Sida ay sheegeen ehelada askartan sida bahalnimada ah loo gumaaday, sababta ugu weyn ee loo beegsaday waa aano qabiil, maadaama wiilashan ciidanka ah badankoodu ay ka soo jeedeen gobolka Hiiraan, balse ay ahaayeen ciidan qaran oo dhulkooda ku dhex safraya.

Taliyaha booliska Hirshabeelle oo dhacdadan ka hadlay ayaa falcelintiisa tacsi ku soo koobay, mana sheegan tillaabooyin cad cad oo ay qaadayaan, inkastoo uu xaqiijiyay inay falkaas aad uga xunyihiin, ciidanka xoogga dalkana ay la shaqayn doonaan.

Dowladda Soomaaliya dhankeeda wax war ah ka soo saarin dhacdadan xanuunka badan oo  xasuuqay askarta ka sokow, mahadho aan duugoobin ku reebi karta maskaxda ciidanka, islamarkana horseedi karta kala aamin bax nabad-gelyo.

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horreysay oo ciidanka xoogga dalka shaar qabiil lagu laayo, 2020-kii ayayna ahayd markii ilaa 7 sargaal oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka lagu diley weerar dhabba-gal ah oo lagula beegsaday dhulka u dhexeeya Guriceel iyo Balanballe.