U bood dhigaalka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Hakisay Wax-ka-beddelka Xogta Baasaboorka

Sheeko:War

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in muddo saddex bilood ah, oo ka bilaabanaysa 1-da Janaayo ilaa 31-ka Maarso 2025, si ku-meel-gaar ah loo hakiyay adeegyada wax-ka-beddelka iyo burinta xogta baasaboorka.

Go’aankan ayaa yimid si loo xaqiijiyo dib-u-habeyn iyo tayaynta farsamada la xiriirta baasaboorka Soomaaliya.

Ujeeddada ugu weyn ee tallaabadan ayaa lagu sheegay in lagu horumarinayo sumcadda baasaboorka Soomaaliya ee heer caalami ah iyo hagaajinta nidaamka farsamo ee adeegyada socdaalka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ku boorrisay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay dulqaad muujiyaan inta dib-u-eegista iyo tayaynta farsamo socoto, iyadoo la xaqiijinayo in tallaabadan aysan saameyn ku yeelan doonin adeegyada kale ee ay bixiso hay’addu.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa sheegay in hay’addu ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda si ay ula jaanqaadaan heerarka caalamiga ah.