Abwaanada Soomaalida oo baaq ka soo saaray colaadaha gobollada dalka qaarkood ka socda
Qaar kamida Abwaanada Soomaaliyeed oo magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada meelaha dalka kamid ah ka socda, kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan.
Abwaanada ayaa sheegay inay wax aad looga xumaado tahay in maalin walba tobanaan qof ay si macno darro ah u dhintaan, ayagoo dowladda ugu baaqay inay gacan bir ah ku qabato dhinacyada abaabulaya colaadahan.
Dhanka kale waxay bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeen bannaanbaxyo towbad keen ah oo Illaahay looga baryayo inuu dadka Soomaaliyeed ka dhex saaro shuushka xasiloonida iyo nabad ku noolaanshaha u diidan.
Baaqan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay dagaallo ka dhacay meelo dalka kamida ah tobanaan qof ku geeriyoodeen, sidoo kalena dhowaan deegaanka Ceelbaraf lagu laayay askar ka tirsanayd ciidanka xoogga dalka.